Doon caag ah oo siday qaxooti iyo muhaajiriin tiro badan ayaa ku qalibantay xeebaha waqooyi-galbeed ee dalka Liibiya, taasoo sababtay dhimashada ama waynta ugu yaraan 53 qof, oo ay ku jiraan laba caruur ah, sida ay xaqiijisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Bayaan ay Isniintii soo saartay IOM ayaa lagu sheegay in doonta, oo waday 55 qof, ay ku rogmatay waqooyiga magaalada xeebta ah ee Zuwara 6-dii Febraayo. Hay’addu waxay sheegtay in laba qof oo kaliya ay ka badbaadeen shilka, kuwaas oo la siiyay gargaar caafimaad oo degdeg ah markii ay badda ka soo badbaadeen, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.
Sida ay sheegeen labada qof ee badbaaday, doontu waxay siday qaxooti iyo muhaajiriin ka kala yimid dalal Afrikaan ah, kuwaas oo doonayay inay u gudbaan Yurub iyagoo maraya marinka khatarta badan ee Bartamaha Badda Mediterranean-ka.
Doonta ayaa ka ambabaxday magaalada Al-Zawiya ee waqooyi-galbeed Liibiya abbaaro 11-kii fiidnimo ee 5-ta Febraayo, hase yeeshee waxay ku qalibantay badda qiyaastii lix saacadood kadib, xilli ay jireen xaalado cimilo oo adag.
Sida laga soo xigtay Mashruuca Dadka La La’yahay ee IOM (Missing Migrants Project), in ka badan 1,300 qof ayaa la la’yahay sannadka 2025, iyagoo marayay marinka Bartamaha Mediterranean-ka. Dhacdadan ugu dambeysay ayaa tirada guud ee qaxootiga iyo muhaajiriinta la soo sheegay inay dhinteen ama la la’yihiin waddadan sannadkan ka dhigaysa ugu yaraan 484 qof.
IOM ayaa sidoo kale sheegtay in bishii Janaayo oo keliya ay diiwaangelisay ugu yaraan 375 muhaajiriin ah oo la soo sheegay inay dhinteen ama la la’yihiin, kadib shilal badeed oo badan oo aan si buuxda loo ogaan, kuwaas oo ka dhacay Bartamaha Mediterranean-ka, xilli ay jireen xaalado cimilo oo aad u daran.
Hay’addu waxay ka digtay in dhacdooyinkan isdaba-joogga ah ay muujinayaan khatarta joogtada ah ee halista ah ee wajahayaan qaxootiga iyo muhaajiriinta isku dayaya inay ka tallaabaan badda khatarta badan, iyadoo mar kale ku baaqday in la xoojiyo dadaallada badbaadinta iyo ilaalinta nolosha dadka tahriibayaasha ah.