Madaxweyne ku-xigeenka Argentine Oo Amray Inay Guuraan Dadka Sheegta Ingiriis Ee ku Nool Jasiiradaha Falkland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne ku-xigeenka Argentine ,Victoria Villarruel ayaa maanta u sheegtay warbaahinta ; “ Dadka ku nool jasiiradaha Falkland, ee isku arka inay yihiin dad Ingiriis ah , waa inay ku laabtaan dhulkooda, jasiiradahan waa dhul Argentine, meesha fog ee aad ka timaadeen dib ugu laabta.”

Jasiiradaha Falkland, waxay ku yaalaan Badweynta Atlantic, waxayna u jiraan dhulka Argentine, masaafo 400 km,tan iyo 1833 waxay jasiiradahan ku jiraan gacanta Ingiriiska, iyadoo muddadaa ay Argentine sheegayso inay leedahay jasiiradahan, balse Trump ayaa dhawaan dib ugu dhiirrigeliyay Argentine inay weerarto jasiiradahan oo ay dib usoo ceshato, isagoo ka caraysan inuusan Ingiriiska gacan ku siin dagaalka ka dhanka ah Iiraan.