Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa soo dhaweeyay taageerada Ruushka ee dadaallada diblomaasiyadeed, wuxuuna ammaanay xoogga xiriirka labada dal ka dib markii uu la kulmay Madaxweyne Vladimir Putin.
Ruushku wuxuu soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo si uu gacan uga geysto soo celinta xasilloonida Bariga Dhexe, wuxuuna si isdaba joog ah u soo jeediyay in la keydiyo Yuraaniyamka Iiraan si loo yareeyo xiisadaha, soo jeedinta ruushka waxaa si cad udiiday Mareykanka iyaga oo u arko in Ruushka uu doonayo in dowladda Iran ay hesho hubka wax gumaada ee nukliyeerka.
