Booliiska Somaliland Oo Gacanta kusoo Dhigay Eedeysane Dil Gaystay Dhawaan.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay eedaysane Cawil Xuseen Garo-baaldi, oo ku eedaysan in uu dil u geystay Marxuum Axmed Nuur Cismaan, isla markaana dhaawacay Jamaal Maxamuud Yuusuf Xaaji Xuseen.

Dadaal iyo hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska JSL ayaa lagu qabtay deegaanka Sallaxley eedaysanaha , waxaana si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bogaadinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay qabashada eedaysanaha.