Maanta waa maalintii labaad ee booqasho afar maalmood ah oo Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla ay ku joogaan Mareykanka.
Boqortooyadu waxay ka qaybgeli doonaan xaflad ciidan oo ka dhici doonta Aqalka Cad, ka hor inta aysan kulan la yeelan Madaxweynaha Donald Trump.
Boqor Charles III ayaa sameyay tallaabo taariikhi ah, isagoo noqonaya boqorkii labaad ee Ingiriiska ee khudbad ka jeediya Golaha Kongareeska Mareykanka, kaddib markii hooyadiis Boqorad Elizabeth II ay sidaas sameysay sanadkii 1991.
Khudbadda Boqor Charles III waxaa uu kag ahadlay arrimo badan oo dunida ka taagan sida colaadaha iyo sida ay isku kaashan karaan Mareykanka iyo Ingiriiska.
Boqor Charles wuxuu dib u xasuustay awoowgiis Boqor George VI iyo booqashadiisii Mareykanka sanadkii 1939, xilli “faashiisnimadu ay si xawli ah u fidaysay”.
“Qiyamkeenna wadajirka ah ayaa guuleysta,” ayuu Boqorku yiri, isagoo intaas ku daray in inkastoo “aan ku jirno xilli ka kacsan oo khatar badan” marka loo eego 1991, markaas oo hooyadiisii geeriyootay, Boqorad Elizabeth, ay ka hadashay hoolka uu hadda hadalka ka jeedinayo.
Wuxuu sheegay in caqabadaha na horyaalla ay yihiin “kuwa aad u waaweyn oo aan hal waddan kaligiis qaadi karin.”
“Laakiin jawigan aan la saadaalin karin, iskaashigeennu kuma tiirsanaan karo guulihii hore ama ma u qaadan karno in mabaadi’da aasaasiga ahi ay si fudud u sii jiri doonaan.”
Wuxuu soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, oo bishii hore sheegay in iskaashigani yahay “lama huraan,” ayna tahay inaan ku sii dhisno. Hadalkan ayaa keenay sacab xooggan.
Boqor Charles wuxuu sheegay in iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska loo adeegsaday la tacaalidda cadowyo wadajir ah iyo sugidda amniga dunida.
Hadda, waxaa loo baahan yahay in lagu ilaaliyo Ukraine iyadoo ay dhexda kaga jirto dagaal ay kula jirto Ruushka.
“Maanta, Mudane Guddoomiye, isla go’aankaas adag ee aan leexleexadka lahayn ayaa loo baahan yahay difaaca Ukraine iyo dadkeeda geesiyaasha ah, si loo xaqiijiyo nabad dhab ah oo caddaalad ah oo waarta,” ayuu yiri.
Booqashada Boqor Charles III waxay imaaneysaa xilli uu jirto xiisad u dhaxeysa UK iyo Mareykanka oo la xiriirta dagaalka Iran, waxaana la rajeynayaa in booqashadiisu ay gacan ka geysan doonto dejinta xiisadda iyo hagaajinta xiriirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Donald Trump.



