Trump Oo ka Hadlay Talooyin Uu Siiyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu kula taliyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu muujiyo taxaddar dheeraad ah marka la eego howlgalada ka socda dalka Lebanon.

Trump ayaa xusay in burburinta dhismayaasha ay si toos ah u dhaawaceyso sumcadda Israel, isagoo ku booriyay in laga fogaado tallaabooyinka noocaas ah.

Dhanka kale, Trump ayaa muujiyay jacayl iyo ixtiraam uu u qabo Lubnaan iyo hoggaankeeda, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhibaatada ugu weyn ay ka imaneyso ururka Hezbollah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda gobolka, iyadoo baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan yareynta colaadaha ay sii kordhayaan.