Xildhibaanad hore oo ka tirsaned xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo lagu magacaabo Marjorie Taylor Greene ayaa hadal kulul ka jeedisay arrimaha la xiriira siyaasadda dibadda ee Israel, iyadoo sheegtay in aan si ku filan looga hadlin hubka nukliyeerka ee ay dalkaasi haysto.
Waxay tiri, “Qofna marnaba kama hadlo in Israel ay leedahay boqolaal hub nukliyeer ah,” iyadoo sidoo kale isbarbardhig ku sameysay xaaladda North Korea, oo ay ku sheegtay in aan si weyn looga falcelin sababtoo ah inay leedahay hub nukliyeer.
Greene ayaa su’aal gelisay cidda dhab ahaantii la tartami karta Israel, iyadoo hadalkeeda sii raacisay dhaliil ku aaddan taageerada ay Mareykanka siiso Israel, kuna tilmaantay arrintaas mid aan sax ahayn.
