Warbaahinta Pakistan Oo soo Bandhigtay Heshiis Somaliya Looga Iibin doonto 25 Diyaaradood oo Dagaal, Nooca JF-17.

by Heemaal
1 minutes read

Warbaahinta Pakistan ayaa ugu dambeyntii shaacisay in heshiis ballaaran oo malaayiin doolar ku kacaya ay wada gaareen dowladaha Pakistan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la xiriira iskaashi dhinaca difaaca ah, kaas oo Pakistan ay Soomaaliya ka iibin doonto 25 diyaaradood oo dagaal, nooca JF-17.

Sida ay wararku tilmaamayaan, diyaaradahaasi ayaa lagu wadaa in Soomaaliya lagu soo wareejiyo muddo kooban, iyadoo heshiisku ujeedkiisu yahay xoojinta awoodda difaaca iyo iskaashiga milatari ee labada dal.

Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, balse heshiiskan ayaa hadii uu hirgalo lagu tilmaamayaa mid ka mid ah heshiisyada difaac ee ugu waaweyn ee ay Soomaaliya gasho sanadihii u dambeeyay.

Warbaahinta Pakistan ayaa sheegaysa in wada-hadalladu ay socdeen muddo, isla markaana heshiisku yahay mid muhiim u ah labada dal.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.