British (BII) Oo Hakisay Maalgelintii ay la Lahayd DP World kaddib

by Heemaal
1 minutes read

British International Investment (BII), oo ah hay’ad maalgelin horumarineed oo ay leedahay dowladda UK, ayaa hakisay maalgelintii ay la lahayd DP World kaddib eedeymo la xiriira xiriir dhex maray Agaasimaha Guud ee DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, iyo Boqorkii fadeexada Jeffrey Epstein. BII waxay sheegtay inay aad uga naxday eedeymahaas, isla markaana aysan samayn doonin maalgelin cusub oo ay la yeelato DP World.

BII ayaa noqotay hay’addii labaad ee hakisa maalgelinta DP World muddo ka yar 24 saacadood, kaddib markii Dowladda Canada ay joojiyay maalgelinta mustaqbalka. Arrintan ayaa timid kaddib markii la sii daayay iimayllo muujinaya in Agaasimaha DP World uu xiriir la lahaa Epstein xitaa kaddib xukunkiisii 2008.

Sanadkii 2021, BII oo markaas loo yaqaanay CDC Group ayaa ku dhawaaqday inay la maalgelin doonto DP World mashruuc Afrikaan ah, kana bilaabanaya dekedaha Senegal, Masar iyo Berbara. Sanduuqa ayaa ballanqaaday maalgelin bilow ah oo dhan $320 milyan, halka $400 milyan la qorsheeyay in lagu maalgeliyo sannado dhowr ah. DP World ayaa ku darsatay saamiyadeeda saddexda dekedood ee mashruuca, waxayna sheegtay inay filayso inay ku darto maalgelin dheeraad ah oo gaaraysa $1 bilyan.

Tan iyo markii la sii daayay faylka fuxshiga ee Epstein, maamulaha shirkadaan ayaa noqday mid dhex dabaalaya foolxumada iyadoo shirkadiisa ay lumisay sumcadii ay aduunka ku leheed.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.