Thursday, April 30, 2026

Somalia Oo Dhoolatus Ciidan kala Qeyb-gashay Mareykanka, Turkiga Iyo Dalal kale

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay dhoolatus milateri oo caalami ah oo ka socday dalka Turkiga, kaasoo maalmahan dambe si rasmi ah uga dhacayay goobo tababar oo ay maamusho Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga. Dhoolatuskan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo milateri ee u dhexeeya dalal badan oo kala duwan

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in dhoolatuskan ay ka qeyb galeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Cameroon, Liibiya, Pakistan, Suuriya iyo Sucuudi Carabiya. Ka qeybgalka dalalkan ayaa muujinaya muhiimadda uu leeyahay dhoolatuskan oo ah mid heer caalami ah.

Intii uu socday dhoolatuska, ciidamada kala duwan ayaa soo bandhigay xirfado dagaal oo heer sare ah, kuwaas oo isugu jiray adeegsiga madaafiic culus, hoobiyeyaasha, iyo tababarka toogashada saxda ah. Sidoo kale, waxaa lagu sameeyay tababaro ku saabsan ku boodista daladaha (parachute operations), kuwaas oo muhiim u ah howlgalada deg-degga ah iyo kuwa ka dhaca meelaha adag.

Waxaa kale oo si gaar ah diiradda loo saaray baaritaanka iyo ka saarista miinooyinka, maadaama ay weli halis weyn ku yihiin goobaha dagaalka iyo meelaha ay colaadaha ka dhaceen. Cutubyada ka qeyb galaya ayaa lagu baray farsamooyin casri ah oo lagu ogaanayo laguna baabi’inayo walxaha qarxa.

Dhoolatuskan ayaa sidoo kale xambaarsanaa tababaro ku saabsan la tacaalidda khataraha cusub ee dagaalka casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones). Ciidamada ayaa bartay xeelado lagu ogaanayo, laguna joojinayo weerarada drones-ka, iyo sidoo kale adeegsiga doomaha dheereeya ee howlgalada badda iyo xeebaha.

Ka qeybgalka Ciidanka Soomaaliya ee dhoolatuskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadeysa awoodda iyo waayo-aragnimada ciidanka, isla markaana xoojinaysa xiriirka milateri ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee saaxiibka la ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in aqoonta iyo xirfadaha ay halkaas ka helaan ay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliyeed la tacaalidda caqabadaha amni ee gudaha dalka.