Sawirka koowaad waxaa ku muuqda Ahmed Bin Sulayem, oo ah Agaasimaha Guud (CEO) ee shirkadda DP World, magaciisana lagu xusay warbixino la xiriiray fadeexaddii caalamka gilgishay ee Jeffrey Epstein.
Sawirka xigana waxa ka muuqda isla ninkaas iyo Siciid Dani oo is waydaarsanaya billad sharafeed.
Haddaba su’aashu waxay tahay: sidee ayuu isu waafajin karaa xiriirka dhow ee Siciid Dani la leeyahay Imaaraadka Carabta iyo damaciisa ku aaddan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya?
Dhaliilayaashu waxay tilmaamayaan in Dani uusan si cad u muujin mowqif adag oo ku saabsan midnimada Soomaaliya, arrin ay ku sababeeyaan cadaadis dibadeed oo uga imanaya Imaaraadka. Waxay ku eedeeyaan inuu muujinayo daacadnimo iyo xiriir ka xoog badan midka uu la leeyahay danaha qaranimada iyo midnimada dalka.
Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran oo ku saabsan kalsoonida lagu aamini karo hoggaaminta masiirka ummadda iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka. Dadka dhaliila waxay qabaan in hoggaan qaran uu u baahan yahay madax-bannaani go’aan, daahfurnaan iyo caddeyn mowqif — si looga fogaado tuhun iyo muran siyaasadeed oo sii kala fogeeya bulshada.

