Pentagon oo heshiisyo la gashay toddobo shirkadood oo AI ah, Anthropic waa laga reebay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa sidii la filayay ka reebay shirkadda tiknoolajiyadda ee Anthropic, isagoo taa badalkeegii la galay heshiisyo toddobo shirkadood oo kale si loo isticmaalo qalabka sirdoonka macmalka ah (AI) ee militariga Maraykanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa saxiixday heshiisyo ay la gashay toddobo shirkadood oo hormuud u ah AI si tiknoolajiyadooda loogu isticmaalo shabakadaha milatari ee sirta ah. Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Anthropic kama mid aha.

Sida lagu sheegay bayaan ay Pentagon soo saartay Jimcihii, shirkadahaas waa SpaceX, OpenAI, Google, Nvidia, Reflection, Microsoft iyo Amazon Web Services.

Shirkadahan waxaa lagu dari doonaa nidaamyada ugu xasaasisan ee sirta ah ee wasaaradda gaashaandhigga, kuwaas oo loo adeegsado qorsheynta hawlgallada, bartilmaameedsiga hubka, iyo ujeeddooyin kale.

Sidaas darteed waxaa cad in Anthropic la reebay. Shirkaddu waxay muran kala dhaxaysay Pentagon oo ku saabsan shuruudaheeda ku saabsan sida militarigu u isticmaali karo qalabkooda AI.

Khilaafka dowladda ayaa bilowday bishii hore markii Anthropic ay ka careysiisay wasiirka gaashaandhigga Pete Hegseth, kadib markii ay ku adkaysatay in tiknoolajiyadeeda aan loo isticmaalin kormeer ballaaran (mass surveillance) ama nidaamyada hubka ee si buuxda u isku maamula.

Hegseth wuxuu sheegay in hadalka Anthropic uu ahaa tusaale cad oo muujinaya kibir iyo khiyaano, isla markaana uu tusayo sida aan loo samayn ganacsi lala yeesho dowladda iyo Pentagon.

Moodalka AI ee Anthropics, Claude, ayaa ahaa kii keliya ee loo oggolaaday in lagu isticmaalo hawlgallada sirta ah ee militariga Maraykanka.

Sida lagu sheegay ogeysiiska Jimcaha, heshiisyada lala galay tartamayaasha Anthropic ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaalka maamulka Trump ee lagu dhisayo waxa ay ugu yeereen “ciidan marka hore ku dhisan AI”.

Isdhexgalka tiknoolajiyadani wuxuu “dedejin doonaa isku dubbaridka xogta, kor u qaadi doonaa fahamka xaaladda, wuxuuna xoojin doonaa awoodda go’aan qaadashada askarta.”

Heemaal News Network.