24
Alle ha u naxariistee afar qof ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Gabiley.
Shilkaas oo ahaa mid culus ayaa waxa isku dhacay afar gaadhi oo kala ahaa Mark X, gaadhi nooca One Ten, bas caasi ah iyo Bajaaj.
Sidoo kale, waxaa jira dad dhaawac ah oo loola cararay cisbitaalka gabilay.

