Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo kan Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u soo dhoweyay gogasha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka xili uu gabaabsi yahay muddo xileedka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ku eg 15ka Bishan May.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in shirkaasi uu yahay fursad muhiim ah oo lagu gaari karo is-afgarad qaran, iyadoo la eegayo duruufaha siyaasadeed iyo caqabadaha jira ee u baahan xal wadajir ah.
UNTMIS waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay arrintan khusayso oo ay ku jiraan madaxda dowladda, siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah iyo daneeyeyaasha kale ay si hufan, daah-furan, isla markaana niyad sami leh uga qayb qaataan wada-hadallada. Waxay hoosta ka xariiqday in danta guud ee shacabka Soomaaliyeed ay tahay in la hormariyo, lagana fogaado dano gaar ah oo carqaladeyn kara geeddi-socodka wada-hadallada.
Sidoo kale, hay’addu waxay xustay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo u baahan go’aan mideysan, gaar ahaan marka la eego arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo dhismaha dowladnimada casriga ah.
“Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo caqabadaha taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Xafiiska Midowga Yurub ee Somalia ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay casuumaadda uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, taasoo lagu wado in todobaadka soo socda lagu qabto xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada lagu xoojinayo wadatashiga siyaasadeed iyo wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka. Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan loo dhan yahay oo horseeda xasillooni iyo horumar waara.
“Midowga Yurub wuxuu taageersan yahay gogol kasta oo wadatashi oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada, gaar ahaan mucaaradka, inay ka qeyb qaataan si loo dhiso mustaqbal siyaasadeed oo mideysan,” ayay tiri safiiradda.
