Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in dab weyn uu ka kacay dekedda shidaalka ee Fujairah kaddib weerar diyaarado drone ah oo laga soo qaaday Iiraan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hoose oo dowladda ka tirsan.
War-saxaafadeed lagu baahiyay baraha bulshada, xafiiska warbaahinta ee dowladda Fujairah ayaa lagu sheegay in sadax shaqaale Hindi ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi waxaana ku hawlan daminta dabka kooxaha difaaca madaniga.
Sidoo kale Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka ay sheegtay in ay qabatay saddex gantaal oo laga soo tuuray Iiraan. Dowladda Iran weli wax faahfaahin ah kama bixin weerarkan.
Fujairah waa dekedda ugu weyn ee Imaaraadka iyo xarunta ugu weyn ee kaydinta shidaalka. Kahor xabbad-joojinta, sidoo kale waxaa lagu bartilmaameedsaday weerarro drone ah.

