Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego in xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay weli sii shaqeyneyso, kadib markii labada dhinac ay is weydaarsadeen rasaas meel ku dhow marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Wareysi uu siiyay weriye raadiye muxaafid ah Hugh Hewitt, markii si toos ah loo weydiiyay in xabbad-joojintu dhamaatay iyo in weerarro cusub ay dhici karaan isla fiidkii, Trump ayaa ku jawaabay:
“Hagaag, taas kuu sheegi maayo.”
Markii cadaadis lagu sii saaray, ayuu intaa ku daray:
“Haddii aan ka jawaabo su’aashaas, waxaad dhihi lahayd ninkani ma aha mid ku filan inuu madaxweyne noqdo.”
D
hawaan, wareysi uu siiyay Fox News, Trump ayaa si adag uga digay ciidamada Iiraan, isagoo sheegay in haddii ay beegsadaan maraakiib Mareykan ah oo maraya Hormuz ama Gacanka Faaris, ay la kulmi doonaan jawaab adduunka ka tirtiri karta.
