Saturday, February 14, 2026

Amiirka Qadar oo Booqasho Rasmi ah ku Tegay dalka Imaaraadka

by Heemaaln
1 minutes read

Amiirka dowladda Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa maanta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Markii uu Amiirku ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Al-Badiin, waxaa si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zaayid Al Nahyan.

Garoonka Al Bateen waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Imaaraadka, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay wehliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Booqashada Amiirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhaqaale, maalgashiga, iyo arrimaha gobolka.

Imaaraadka oo dhawaan go’doon ka galay dalalka Carabta ayaa doonaya in uu xaliyo khilaafka kala dhexeeya dalal kale. Dhawaan waxaa booqday Madaxweynaha Masar, hada Amiir Qatar halka dhawaan uu tagi doono madaxweynaha Turkiga.