Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Oo Codsi ka Dhan ah Iran u Diray Qaramada Midoobay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rubio ayaa codsi ka dhan ah Iran u diray Qaramada midoobay isagoo ka hadlaya arimaha Hormuz uu yiri:-

“waxan weydiisaneynaa Qaramada Midoobey in ay ugu baaqaan Iran joojinta qarxinta Maraakiibta, ka saaridda Miinooyinka, iyo oggolaanshiyaha gudbidda gargaarka Bani’adamnimo ee Marinka Hormuz.”

“Haddii Beesha Caalamku aanay intaas toos ugu sheegi karin Iran, ma garanayo waxa uu yahay nidaamka Qaramada Midoobey. ”

Trump ayaa saakadii hore sheegay in Mareykanku uu joojiyay mashruucii xarriyadda ee uu Maraakiibta kaga gudbin lahaa Hormuz, isaga oo ku faanay in wadahadallada Iran horumar sameeyeen.

Hayeeshee Iran ayaa dhankeeda meel marisay xeerka marinka Hormuz, kaas oo Maraakiibta ku amraya in ay buuxiyaan Foom ay diyaarisat Iran iskana bixiyaan lacagta markaas oo ay heli doonaan farriin oggolaansho ah.