Turkiga buuq ayaa maanta ka taagan ka dib markii sarkaal sare oo Turki ah uu sheegay in gantaalada cusub ee Turkiga loo rari doono Soomaaliya si halkaasi loogu tijaabo.
Ragip Soylu oo ah tifatiraha wargaysa caanka ah ee Middle East Eye ayaa sheegay in arrintaan sir eheed balse xubno Turki ah ay ka dhigeen buunbuunin iyo sheegasho laga baaqsan karay.
Turkiga ayaa masaafada dheer ee badwaynta Hindiya u arka goob muhiim u ah tijaabinta gantaalada waxaana arrintaas ka ogolaatay Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan ciidanka badda Turkiga, oo uu hoggaaminayo Rear Admiral (LH) Cenk Taşlı, Taliyaha Kooxda Hawlgalka Badda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.
Saraakiishan ayaa booqasho ku tagay safaaradda Turkiga, xilli Ankara ay sii xoojinayso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo horumarinta awoodda ciidamada badda Soomaaliyeed. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Turkigu dhawaan bilaabay tababarka ciidamo Soomaaliyeed.


