Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga aragtiyada siyaasiyiinta mucaaradka ah, balse aysan aqbali doonin wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay hanjabaado kasoo baxaya qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka soo martay, kuwaas oo hadda qeyb ka ah hoggaanka mucaaradka Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa in laga waantoobo hadalladaas, oo aan ku fil ahayn madaxdii horey usoo martay dalka” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre, Waxa uu xusay in deganaanshaha iyo amniga maanta jira lagu gaaray dhiig iyo hanti badan oo ay shacabka Soomaaliyeed bixiyeen, isagoo ka digay in loollan siyaasadeed uu dhaawaco xasilloonida dalka.
“Siyaasi ay madax martay shahwada xukunka iyo taageero ay ka helayaan dowlado shisheeye yeysan noo waxyeeleyn amniga iyo xasilloonida aan haysanno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aan loo baahnayn “caga-jugleyn siyaasadeed” iyo hadallo hurin kara xiisad, isagoo ugu baaqay mucaaradka inay ka qeyb galaan gogosha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo lagu wado inay dhacdo 10-ka May.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay rajo ah in shirkaasi uu noqdo mid lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo talo mideysan oo ay mucaaradka miiska la yimaadaan ama ay noqdaan talo raac.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya iyadoo ay Hogaanka Mucaaradka ay ku baaqeen banaanbax maalinta Axada ah oo ah isla maalinkii uu Madaxweynaha Soomaaliya iclaamiyay Shirka Dowladda ay la fureyso Mucaaradka.
