Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari bas rakaab siday uu weerar kala kulmay rag hubeysan oo rasaas ku furay deegaanka Beracawayoon oo ku dhow magaalada Carabiya, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo dadka deegaanka.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka miyiga ah ee Beracawayoon, oo dhowr kiiloomitir u jira Carabiya, xilli dadka saarnaa gaariga ay kusii jeedeen munaasabad quraan akhris ah oo qoys ka tirsan dadka deegaanka ay qabanayeen.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in gaarigan baska ah si gaar ah loo kireystay magalada Mandheera si loogu daabulo ehelada iyo martida ka qeyb galeysay munaasabadda diimeed, hase yeeshee intii uu safarka ku jiray ay jidka u galeen kooxo hubeysan oo rasaas xooggan ku furay, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rakaabkii saarnaa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta culus ay si toos ah ugu dhacday gaariga, iyadoo qaar kamid ah dadka saarnaa ay isla goobta ku geeriyoodeen, halka dhaawacyada soo gaaray dadka kale lagu tilmaamay kuwo halis ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku cabsi iyo jahwareer weyn ka abuuray aagga uu ka dhacay, iyadoo ciidamada ammaanka iyo gurmad caafimaad ee Mandhera ayaa gaarey goobta si ay u daadgureeyaan dhaawacyada.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay weerarka.



