Saddex askari oo Israa’iili ah ayaa ku dhaawacmay weerar diyaarad nooca drone-ka ah oo ay leedahay Xisbullah ay ku qaraxday waqooyiga Israa’iil meel u dhow xadka Lubnaan, sida ay sheegeen militariga Israa’iil.
Warbaahinta Haaretz ayaa sheegtay in mid kamid ah askarta dhaawacantay uu xaaladdiisu aad u liidato.
Ciidanka Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dhowr diyaaradood oo qaraxyo sida ay gudaha u galeen Israa’iil maalintii Sabtida, iyadoo qaar kamid ah ay ku dhaceen gudaha dalka.
Militariga ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen gantaallo iyo diyaarado kale oo loo soo ganay dhanka ciidamada Israa’iil ee ka howlgalaya koonfurta Lubnaan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah ay weli kacsan tahay inkastoo ay jirto xabbad-joojin dhawaan la gaaray.
