Gudomiyaha Baarlamaanka Carabta Oo si Adag Uga Hadlay Markab Lagu Weeraray Biyaha Qadar

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Mohammed bin Ahmed Al-Yamahi ayaa cambaareeyay weerarradii maanta ka dhacay biyaha Qatar iyo hawada Kuwait, isagoo ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.

Qatar ayaa sheegtay in markab ganacsi lagu bartilmaameedsaday gudaha biyaha dalkeeda, taasoo sababtay dab yar balse aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa shaacisay in waaberigii hore hawada dalka lagu arkay diyaarado drone ah oo cadawga ah.

Qoraallo gooni gooni ah oo lagu daabacay baraha bulshada, Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in Al-Yamahi uu weerarradan u arko xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dalalka iyo hanjabaad toos ah oo ku wajahan amniga gobolka