Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo xaaladda shaqaalaha saarnaa markabka shidaalka ee “MT Eureka”, kaddib markii laga soo afduubtay meel u dhow xeebaha Yemen lana geeyay dhanka biyaha Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo degdeg ah oo lagu dalbanayo faragelin caalami ah iyo mid Masri ah si loo badbaadiyo badmaaxiinta la haysto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa Isniintii xaqiijisay in markabka ay saarnaayeen 8 badmaaxiin Masaari ah, waxayna sheegtay inay safaaraddeeda Muqdisho ku amartay inay si degdeg ah ula xiriirto dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo badqabkooda loona dedejiyo sii deyntooda.
Tallaabadan ayaa timid maalmo kadib markii ilaalada xeebaha Yemen ay shaaciyeen in markab shidaal laga afduubtay meel u dhow xeebaha gobolka Shabwa, kadibna loo kaxeeyay dhanka xeebaha Soomaaliya.
Sida ay sheegeen qoysaska dadka la afduubtay, kooxda hubeysan ayaa bilowday wada-hadallo ay kula jirto shirkadda leh markabka, iyagoo markii hore dalbaday madax-furasho dhan 3 milyan oo dollar, balse markii dambe kor u qaaday ilaa 10 milyan oo dollar, iyadoo wada-hadalladii ay hakad galeen xiriirkiina uu go’ay maalmihii u dambeeyay.
Axmed Raadi, oo ah walaalka mid kamid ah badmaaxiinta la afduubtay, ayaa sheegay in walaalkiis uu sameeyay wicitaan gaaban oo uu ku sheegay in xaaladda markabka ay “kasii dareyso”, isla markaana noloshoodu ay khatar ku jirto, isagoo dowladda Masar ugu baaqay inay si degdeg ah u farageliso.
Sidoo kale xaaska mid kamid ah badmaaxiinta la haysto ayaa baraha bulshada kasoo dirtay qaylo-dhaan, iyadoo sheegtay in kooxaha afduubka geystay ay markii hore oggolaanayeen wicitaanno kooban oo aan ka badneyn shan daqiiqo, balse xiriirkaasi uu istaagay kadib markii wada-hadalladii ay hakadeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Bader Cabdulcaadi, ayaa safaaradda Masar ee Muqdisho ku amray inay si “heer sare” ula xiriiraan mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo badqabka badmaaxiinta la haysto.
Xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale wajahaya soo laabashada falalka burcad-badeednimada tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2023, kadib sanado ay yaraadeen weerarrada noocan ah, iyadoo arrintan lala xiriirinayo xaaladaha amni iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee gobolka.
