Xiisad colaadeed oo u dhexeysa ciidamo beeleed ka kala tirsan beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal ayaa maanta mar kale dib uga qaraxday deegaannada galbeedka Somaliland, iyadoo ay arrintani imanayso maalin kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, uu ku dhawaaqay in heshiis nabadeed laga gaadhay colaaddaas.
Wararka laga helayo goobaha lagu dagaallamay ayaa sheegaya in iska horimaadku uu sababay cabsi iyo barakac soo wajahaya dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada ay rabshaduhu ka dhaceen, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dib u bilowday.
Mucaaradka oo Ku Baaqay Xabbad Joojin Degdeg ah
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa si wadajir ah baaq ugu diray beelaha dirirtu u dhexeyso, iyaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda, kana shaqeeyaan nabad waarta oo lagu dhammeeyo khilaafaadka taagan.
Guddoomiyaha Xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in colaaddani ay dhaawacayso wada noolaanshaha bulshada iyo xasiloonida guud ee gobolka.
“Waa nasiib darro weyn in maanta dad walaalo ah oo wada dega, wadaaga dhiigga iyo dhaqanka ay dirir ku dhex marto. Waxa aanu ugu baaqaynaa in colaadda si degdeg ah loo joojiyo, lana isugu yimaado miis wada hadal si wixii la kala tabanayo si nabad ah loogu dhammeeyo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Mucaaradku waxay sidoo kale xukuumadda ugu baaqeen in ay qaadato doorkeeda hoggaamineed, isla markaana ay dejiso qorshe cad oo lagu nabadeynayo deegaannada galbeedka, gaar ahaan gobolka Awdal.
Baaq ku Socda Xukuumadda
Xisbiyadu waxay soo jeediyeen in la sameeyo xabbad joojin rasmi ah, in si degdeg ah loo kala fogeeyo ciidamo beeleedyada isku horfadhiya, isla markaana la adeegsado ciidamo qaran oo dhexdhexaad ah si loo kala dhex galo dhinacyada dagaallamaya.
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhaliilay xukuumadda in habkii ay arrintan u wajahday uu ahaa mid aan qorshaysnayn, isaga oo sheegay in tallaabooyinkii la qaaday ay noqdeen kuwo aan miro dhalin, taasina ay sababtay in colaaddu mar kale dib u soo cusboonaato.
Jawaabta Wasiirka Arrimaha Gudaha
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa hore u sheegay in xukuumaddu ay si cad uga soo horjeeddo in la arko shacab hubaysan, isla markaana aan la oggolaan doonin cid kasta oo ku kacda falal amni darro abuuraya.
Wasiirku waxa uu sheegay in deegaannadii ay fadhiyeen ciidamo beeleed la maray, odayaasha dhaqankana laga saxeexay heshiis nabadeed oo dhammaystiran. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Somaliland ay si buuxda u joogaan xuduudaha galbeedka, isla markaana aanay jirin wax ciidamo beeleed ah oo ka soo tallaabay xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah.
Ugu dambayn, Wasiir Cabdalle ayaa ku adkeeyay in nabaddii beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal la soo gunaanaday, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo hurinaysa colaadda ama ka hor imanaysa nabadda la gaadhay.
Xiisadda maanta dib u qaraxday ayaa imtixaan ku noqon karta dadaalladii nabadeed ee xukuumaddu sheegtay inay ku soo afjartay colaadda, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee lagu xasilinayo deegaannada ay rabshaduhu saameeyeen.