Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay maanta guusha tijaabada gantaalka RS-28 Sarmat, kaas oo loo aqoonsaday inuu yahay kan ugu awoodda badan aduunka.
Gantaalkan oo ah nooca Qaaradaha isaga gudba (ICBM), ayaa leh awood aan horey loo arag, isagoo qaadi kara ilaa 16 madax oo nukliyeer ah oo isku mar lala beegsan karo bartilmaameedyo kala duwan.
Sarmat waxa uu ku socon karaa masaafo dhan 35,000 km, taas oo la macno ah inuu gaari karo meel kasta oo ka mid ah Mareykanka iyo Yurub, isagoo ka gudbi kara dhammaan nidaamyada difaaca ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka la qorsheynayo.
Xawaaraha gantaalkan ayaa ah mid ka yaabiyay khubarada milateriga, maadaama uu ku socdo xawaare dhan Mach 27, taas oo ka dhigan inuu ka dheereeyo codka 27 jeer. Horumarinta hubkan oo socotay tan iyo sanadkii 2018, ayaa la qorsheeyay in si rasmi ah loogu qalabeyno ciidanka Ruushka marka la gaaro sanadka 2027.
Putin ayaa sidoo kale yiri:“Wuxuu awood u leeyahay inuu ka gudbo dhammaan nidaamyada difaaca gantaallada ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.”
Sida uu sheegay Putin, gantaalkan ma ahan oo kaliya guul dhanka farsamada ah, balse waa farriin ku socota cid kasta oo isku dayda inay khatar geliso amniga Ruushka, maadaama aysan jirin cid hor istaagi karta xawaarihiisa iyo awooddiisa wax gumaadis.
