Madaxweyne Donald Trump Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Caasimada Beijing.(Sawiro)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Beijing:-Madaxweyne Donald Trump ayaa gaaray caasimadda Shiinaha ee Beijing, halkaas oo dowladda Shiinuhu u sameysay soo dhoweyn si heer sare ah loo abaabulay.

Kolonyada Trump iyo wafdiga Mareykanka ayaa kasoo dhaqaaqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beijing kuna wajahday bartamaha magaalada, iyadoo dhismayaasha dhaadheer lagu iftiimiyey farriimo soo dhoweyn ah. Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay hareeraha waddooyinka si ay u daawadaan wafdiga Mareykanka xilli ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyey.

Safarkan ayaa waxaa Trump ku wehlinaya xubno sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka, ganacsato iyo masuuliyiin siyaasadeed. Waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Marco Rubio, oo dowladda Shiinuhu cunaqabateyn saartay sanadkii 2020 kadib dhaliilo uu u jeediyey siyaasadaha Beijing ee xuquuqda aadanaha.

Dowladda Shiinaha ayaa hore u sheegtay in cunaqabateyntaasi aysan saameyn doonin socdaallada diblomaasiyadeed ee Rubio, iyadoo booqashadan loo arko mid muhiim u ah xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada quwadood ee dunida ugu waaweyn.