Faahfaahino ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dagaalkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay geerida laba sarkaal oo sare oo kamid ahaa taliska ciidamada dowladda ee ka howlgalayay deegaannada Koonfur Galbeed.
Alle ha u naxariistee, Taliyihii Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad Col. Yoonis Aadan iyo Taliyihii Guutada 8-aad Col. Cali Cadow ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo ciidan iyo saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Geerida labada taliye ayaa si weyn looga dareemay gudaha ciidamada dowladda iyo bulshada ku nool deegaannada ay ka howlgalayeen.
Col. Yoonis Aadan ayaa ahaa sarkaal sare oo door muhiim ah ku lahaa howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Wuxuu sidoo kale ahaa ku simaha Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo ka dhigtay mid kamid ah saraakiisha ugu muhiimsan ee ciidamada dowladda ee ka howlgala Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Col. Cali Cadow oo ahaa Taliyaha Guutada 8-aad ayaa isna lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa sugidda amniga magaalada Baydhaba iyo deegaannada ku hareeraysan. Labadan sarkaal ayaa lagu tilmaamay laf dhabarta howlgalada ciidamada dowladda ee gobolka, gaar ahaan dagaalka joogtada ah ee lagula jiro Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobta dagaalka, iska horimaadka ayaa ahaa mid aad u culus, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka Baydhaba. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay si xooggan uga hortageen weerarka, waxaana dagaalka uu socday saacado badan.
Ilo amni ayaa sheegaya in labada taliye ay si toos ah uga qeyb qaadanayeen hoggaaminta ciidamada markii uu dagaalku socday, taasoo keentay inay ku dhintaan furimaha hore ee dagaalka. Geerida saraakiishaasi ayaa loo arkaa dhabar jab weyn oo ku yimid taliska ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaan weli si rasmi ah u shaacin khasaaraha guud ee dagaalka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay soo gaareen khasaarooyin kala duwan.
Bulshada ku nool Baydhaba iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga naxay geerida labada taliye, iyadoo baraha bulshada ay kusoo baxayaan farriimo tacsi iyo bogaadin ah oo lagu xusayo doorkii ay ka qaateen difaaca dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Geerida Col. Yoonis Aadan iyo Col. Cali Cadow ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay maalmihii dambe wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo ka socda gobollada koonfurta dalka.


