Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Faadil Cali Axmed Al-Xanak, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashiga amniga, la-dagaallanka tahriibka iyo ka hortagga socdaalka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale si gaar ah loo falanqeeyay kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ganacsiga, isu socodka dadka, iyo horumarinta xiriirka dekadaha iyo duulimaadyada labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Yemen ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi taariikhi ah, isaga oo xusay in labada shacab ay ka dhexeeyaan xiriir bulsho, dhaqan iyo ganacsi oo soo taxnaa qarniyo badan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood, si looga faa’iideysto fursadaha wadajirka ah ee dhanka ganacsiga, amniga iyo maareynta arrimaha socdaalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xasilloonida gobolka iyo horumarinta iskaashiga dalalka deriska ah, isaga oo tilmaamay in Yemen ay tahay dal ay Soomaaliya la wadaagto dano istiraatiiji ah, gaar ahaan amniga badda, isu socodka ganacsiga, iyo iskaashiga dhinacyada dekadaha.
Dhinaciisa, Danjire Faadil Cali Axmed Al-Xanak ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Danjiruhu wuxuu bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta, isaga oo xusay in dowladda Yemen ay si dhow ula socoto guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsanayso.
Waxa uu intaa ku daray in dowladda Yemen ay diyaar u tahay in ay sii laba jibbaarto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, si loo xoojiyo danaha wadajirka ah ee labada shacab, loona abuuro jawi cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan, kaas oo ka qeyb qaata nabadda iyo xasilloonida gobolka.
