Israa’iil Oo isku Diyaarinaysa inay Dib u Bilowdo Dagaalka Iiraan,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inuu dib u bilowdo dagaalka Iiraan, iyadoo qiimeynta Israa’iil ay muujinayso in aan la gaari doonin heshiis, isla markaana dagaalka uu dib u billaaban karo , xilliga xabbad-joojinta ay dhammaato, sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah Israa’iil ee Kan news.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabaas Araghchi ayaa sheegay in go’doominta uu Maraykanku ku sameeyay dekadaha Iiraan ay tahay fal dagaal, isla markaana ay jebinayso heshiiskii xabbad-joojinta.

Abbas Araghchi oo dhanka kale ka hadlaya markabkii Iiraan ee Mareykanku qabtay ayaa yidhi “Beegsiga markab ganacsi iyo afduubka shaqaalihiisa waa xadgudub ka sii weyn. Iiraan way taqaana sida looga gudbo xayiraadaha, sida loo difaaco danaheeda, iyo sida looga hortago cagajuglaynta.”

Iiraan ayaa ku adkaysanayso in wareegga labaad ee wadahadallada Mareykanka ay la galayso uu ku dhici karo, marka Mareykanka uu cunaqabateynta ka qaado dekedaheeda, iyadoo saacado ay ka dhimantahay waqtiga xabbad-joojinta ay dhammaanayso.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.