Weriyaha jariirada The New York Times Emily Goodin oo ka mid ahayd wariyayaashii la socday weftigii madaxweynaha Maraykanka u raacay dalka Shiinaha ayaa sheegtay in weftiga Maraykanku daadiyeen islamarkaana qashinka ku rideen dhammaanba hadyadii la siiyey intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha ka hor intii aanay raacin diyaaradihii ay ka soo qaateen Washington.
Hadyadaha la daadiyey waxa ka mid ahaa Telefoonno, ubaxyo, saacado iyo agab kale oo qaali ah. Tallaabadan ayaa loo qaaday in lagaga fogaado hawl gallo basaasnimo oo ka iman kara Shiinaha kaas oo tartan ganacsi kula jira dalka Maraykanka.
Sidoo kale madaxda shirkaddaha ganacsiga ee la socotay Trump aida Nvidia, Tesla iyo Meta ayaa ka sii tegay Telefoonnadoodii ganacta si ay uga fogaadaan in la basaaso intii ay ku sugnaayeen Shiinaha.
Tan ayaa ka dhigan in Maraykanku mar kasta ka feejigan yahay basaasnimo kaga iman karta dalka Shiinaha.
