Iiraan Oo soo Saartay Nidaam Cusub Oo Caymiska Maraakiibta Adeegsanaya Marin-biyoodka Hormuz.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa hirgelisay nidaam cusub oo caymiska maraakiibta doonaysa inay adeegsato marin-biyoodka Hormuz, iyadoo shirkad kasta oo maraakiibteeda caymiska galisa ay helayso goobo ammaan ah oo maraakiibtooda ay mari karan,

Sidoo kale waxaa markab kasta iyo shixnadaha caymiskan ku biiraya laga doonayaa lacag ay ku bixinayaan habka dhijitaalka ah ee Bitcoin.

Wasaaradda dhaqaalaha Iiraan oo nidaamkan soo saartay ayaa filaysa inay Iiraan ka faa’iido 10 bilyan oo doolar bishii, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee Wana.