Ugu yaraan 4 Qof Oo ku Dhintay Tiro kale-na way ku Dhaawacmeen Mudaharaadyo ka dhacay Kenya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena way ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhacay Kenya oo lagaga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo gaadhay heerkii ugu sarreeyey.

Dhinshada Afarta qof iyo dhaawaca 30 qof in ka badan, ayaa yimid kadib markii booliska iyo mudaharaadayaashu isku dhaceen magaalada caasimadda ah ee Nairobi maalintii shalay xilli uu bilaabmay shaqo-joojin qaran oo ay sameeyeen gaadiidka dadweynaha si looga mudaharaado qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sidoo kale sheegay in 348 qof la xidhay, isla markaana dacwad lagu soo oogi doono, isaga oo ku eedeeyey inay ku lug lahaayeen mudaharaadyo rabshado wata oo sharci-darro ah, isaga oo aan sheegin sida ay afarta qof u dhinteen, balse goobjoogayaal ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in booliska Nairobi rasaas ku fureen dadka mudaharaadayay.

Dad badan oo safar ahaa ayaa ku xanibmay xaafado badan iyo badhtamaha magaalada, halkaas oo mudaharaadayaashu ku gubeen taayirro waddooyinka waaweyn, isla markaana ay weerareen darawallo, iyaga oo ugu yaraan laba baabuur dab qabadsiiyey.

Qiimaha shidaalka ee Kenya ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey abid, iyada oo qiimaha naaftadu kordhay 23.5%, halka batroolkuna kordhay 8%.

Dowladda Kenya ayaa kororkii hore ee qiimaha shidaalka ku sababaysay dagaalka Iran iyo saamaynta uu ku yeeshay sahayda tamarta, balse waxay hoos u dhigtay cashuuraha si loo yareeyo culayska shacabka saaran.