koonfur Afrika Oo Baaritaan ku Bilowday Ururka Somalida Dalkaasi ku Dhawaaqeen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameynayso Ururka Soomaalida ee Koonfur Afrika kadib markii lagu arkay inay isticmaaleen astaanta qaranka dalka Koonfur Afrika.

Wasaaradda Ciyaaraha, Fanka iyo Dhaqanka ayaa sheegtay in astaanta qaranka ay tahay calaamad muhiim ah oo sharci lagu ilaaliyo, islamarkaana aan la isticmaali karin iyada oo aan fasax rasmi ah la haysan.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in la baaro haddii ururkaasi jebiyay sharciga. Haddii lagu helo khalad, waxaa lagu amri doonaa inay joojiyaan isticmaalka astaanta, waxaana laga qaadi karaa tallaabo sharci ah.

Mas’uuliyiinta baaritaanka sameynaya ayaa la faray inay natiijada kusoo gudbiyaan muddo 10 maalmood oo shaqo gudahood ah.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay si adag u ilaalinayso astaamaha qaranka, ayna tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo si sharci darro ah u isticmaasha

“Daacadnimada iyo karaamada astaamaha qaranka Koonfur Afrika waa arrin aan laga tanaasuli karin. Astaanta qaranku ma aha qurxin ay urur walba isticmaali karto marka ay doonto. Waxay leedahay shacabka Koonfur Afrika, waana in loola dhaqmaa si sharaf iyo ixtiraam sharciyeed leh,” ayuu yiri wasiirka.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay war dheeraad ah kasoo saari doonto marka xafiiska Bureau of Heraldry ay dhammaystirto qiimeynta arrintan.