Iiraan Oo si Adag uga Jawaabtay Eedeyn Uga Yimid Hoggaamiye Reer Yurub ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa beeniyay eedayntii ka timid Kansalarka Jarmalka ee ahayd in Iiraan ay ku lug lahayd weerar ka dhacay meel ku dhow warshad laga dhaliyo tamarta nukliyeerka oo ku taal Isutagga Imaaraadka Carabta.

Esmail Baghaei, oo qoraal u usoo dhiigay bartiisa X, ku soo qoray luuqada Jarmalka ayaa ku eedeeyay Friedrich Mertz “munaafaqnimo”:

“Weerarada cad ee ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen xarumaha nukliyeerka ee amniga leh ee Iran lama cambaareeyo, balse waxaa loo raadiyaa marmarsiinyo lagu difaaco. Laakiin marka la fuliyo hawlgal calan been-abuur ah oo xitaa Imaaraadku si rasmi ah ugu nisbayn Iran, codadkii isla kuwii ahaa ayaa si kedis ah u bilaaba isticmaalka erayada ‘sharciga caalamiga ah’ iyo ‘ammaanka gobolka.’”

Isagoo sii hadlayey Baghaei ayaa yiri :“Haddii weerarka lagu qaado xarumaha nukliyeerka loo arko khatar ku wajahan shacabka gobolka, mabda’ani waa inuu si isku mid ah ugu dhaqmaa dhammaan dalalka, ee aan lagu dabaqin oo keliya marka ay danaha siyaasadeed ee reer Galbeedku sidaas u baahan yihiin.”

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa shalay cambaareeyay “weerarrada cirka ee cusub ee Iran ku qaaday Imaaraadka Carabta iyo xulafada kale,” isagoo sheegay in weerarrada lagu qaado “xarumaha nukliyeerka” ay khatar ku yihiin amniga dadka ku nool guud ahaan gobolka.