Trump Oo Saxiixay Amar Fulineed Oo Lagu Baadhayo Xogta Dadka Bilaa Sharciga ku Jooga Maraykanka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ansixiyey amar fulineed oo Bangiyada dalkaas lagu farayo in ay baadhaan xogta dadka macaamisha ah isla markaana la ogaado dadka aan sharciga haysan oo hadda ka dib aan loo ogolaan doonin ay Bank furtaan ama ay qaataan Kaadhka daynta lagu bixiyo.

Tallaabadan ayuu Trump uga gol lee yahay in uu culays ku saaro dadka soo gelootiga ah ee aan sharciga haysan kuwaas oo uu doonayo in la geliyo go’doomin dhaqaale aad u xooggan.