Abwaan Axmed Nuur oo ka mid ahaa ciidamo uu tababar u socday ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday rasaas ciidanka Puntland ku fureen askar lagu tababarayey Xerada Tababarka Gen. Giriin ee magaalada Badhan, halka tiro kale oo askar ah ay ku dhaawacmeen rasaastaasi.
Wararka laga helayo magaalada Badhan ayaa sheegaya in xiisad ka taagneyd xerada maalmaihii lasoo dhaafay ay saaka isku beddeshay rabshad iyo rasaas culus, kadib markii ciidamo tababar ku jiray xerada ay sameeyeen gadood ay uga cabanayeen xaalado nololeed iyo balanqaadyo ay sheegeen inaan loo fulin.
Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka careysnaayeen mushaar, xuquuq iyo taageero nololeed oo hore loogu ballanqaaday, sidoo kale waxay cabasho xooggan ka muujiyeen in laga joojiyey raashiin markii hore la siin jiray. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in askartu dareemayeen dayac iyo in aan si siman loola dhaqmin, taasoo sare u qaaday xanaaqa ka dhex jiray ciidamada xerada ku sugan.
Sida wararku tilmaamayaan, xaaladda ayaa faraha ka baxday markii ciidamadii ilaalada ka ahaa xerada ay isku dayeen inay xakameeyaan askarta gadoodsan, waxaana markaas kadib dhacay rasaas xooggan oo sababtay dhimashada Abwaan Axmed Nuur iyo dhaawaca askar kale oo aan tiradooda rasmiga ah weli la shaacin.
Geerida Abwaanka ayaa si gaar ah u taabatay bulshada deegaanka iyo ciidamada Puntland, maadaama uu ahaa askari sidoo kalena lagu yaqiinay hal-abuur iyo suugaan uu ka tirin jiray arrimaha bulshada iyo waddaniyadda. Dad badan oo baraha bulshada wax ku qoraya ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa, iyagoo ku tilmaamay shaqsi door ku lahaa dhiirrigelinta dhalinyarada iyo ciidamada.
Dhacdadan ayaa sidoo kale iftiimisay caqabadaha dhanka maamulka iyo daryeelka ciidamada ee ka jira qaar kamid ah xeryaha tababarka. Khubarada amniga ayaa sheegaya in cabashooyinka la xiriira mushaarka, raashinka iyo daryeelka ciidamada ay marar badan horseedaan gadood iyo kalsooni darro gudaha ciidamada ah, gaar ahaan marka askartu dareemaan in balanqaadyadii loo sameeyay aan la fulin.
Ilaa hadda maamulka Puntland si rasmi ah ugama uusan bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha iyo sababaha dhabta ah ee rasaasta dhalisay, hase yeeshee waxaa la filayaa in baaritaanno lagu sameeyo dhacdadaasi oo walaac cusub abuurtay.
Xerada Gen. Giriin ee magaalada Badhan ayaa kamid ah goobaha lagu tababaro ciidamada cusub ee Puntland, waxaana mararka qaar kasoo baxa cabashooyin la xiriira duruufaha nololeed iyo agabka ciidamada la siiyo, inkastoo maamulka Puntland uu marar badan sheegay inuu dadaal ku bixinayo tayeynta iyo dib u habeynta ciidamada ammaanka.
