Af-Soomaliga oo sanadkii labaad ka mid noqonaya luuqadaha khudbada Carafo lagu turjumi doono ee sida Live-ka ah loo baahin doono.
Khudbada Carafo ayaa waxa jeedin doona sanadkan Sh. Dr. Cali bin Cabdiraxmaan Al-Xudayfi oo ka mid Imaamyada Masaajidka Nebbiga SCW ee xaramka barakaysan ee Madiina.
Khudbada Carafo ayaa tariikh ahaan ka soo bilaabantay sanadkii 10-naad ee Hijriyada iyadoo laga soo raadracay khudbadii sagootinta ee uu ka jeediyay Nebbi Muxammed SCW Dooxada Carafa una jeediyay Muslimintii xajaysay sanadkas, Isagoo ahaa Xajkii ugu horeeyay uguna danbeeyay ee Nebbi SCW uu xajay intii Xajku waajibay. Waana maalinti ay soo degtay aayada 3-aad ee suuratul Al-ma’idah oo Rabbi ku sheegay in Diintu dhamaysirantay.
Nebbi Muxumed SCW ayaana ku geeriyooday magaalada Madiina oo uu dib ugu noqday 3 bilood ka dib maalintii uu khudbadaasi uu jeediyay taas oo loogu magac daray khudbdii sagootinta.
Hadaba Geerida Nebbi Muxumed SCW ka dib tan iyo maalinkas sanad kasta waxa isla goobtii oo ahayd dooxa Carafa hadana uu ku yaalo Masaajidka Namirah { مسجد نمرة }laga jeediya maalinta 9-aad ee bisha dil-xijjah khudbad raacaysa sunadii Nebbiga SCW.
Dawlada Sucuudiga gaar ahaan maamulka labbada Xaram barakaysan ayaa muddo dheer khudbadan si Live ah uga baahinayay mareegaha ay Internet-ka ku leeyihin si ay u gaadho Muslimiinta daafaha dunida ku nool.
Markii ugu horaysayna sanadkii hore ee 2025-ka ayaa lagu soo kordhiyay in Af-Soomaligu ka mid noqdo luuqadaha tebinta tooska ah lagu turjumayo iyadoo sanadkan 2026 oo waafaqsan tirsiga hijriyada ee 1447 maamulka labbada xaram shaaciyay in Af-Soomaligu ka mid yahay sanadkii labaad 50-ka luuqadood oo lagu turjumi doono khudbada Carafo.
Maalinta salaasada todobaadkan ayaana khudbaas uu Sh. Xudayfi ka jeedin doona Masjid Namirah.
