Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo horseedi doonta nabad iyo barwaaqo.
“Waa maalin weyn, maalin kor u qaadi doonta nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri Sharif, isagoo uga mahadceliyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, waxa uu ku tilmaamay hoggaan aragti dheer leh oo aad u firfircoon.
Sharif ayaa sheegay in dadaallada iyo doorka Trump ay gacan ka geysteen horumarinta wada-hadallada iyo xasilloonida gobolka, isagoo muujiyay rajada ah in tallaabooyinkan ay keeni doonaan iskaashi iyo xiriir wanaagsan oo dhexmara dhinacyada ay khusayso.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa si kaftan leh u sheegay in noloshiisa ay ku leeyihiin muhiimad gaar ah laba qof oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu muhiimsan.”
“Marar badan ayaan kaftamay inaan noloshayda ku leeyahay laba qof oo aad iyo aad muhiim u ah; mid waa Hindiyaan ah, midna waa Baakistaani,” ayuu yiri Vance.
Wuxuu sharxay in qofka Hindiyaanka ah uu yahay xaaskiisa, halka qofka Baakistaaniga ahna uu yahay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir.
Dhanka kale Wafdi ka socda Iran ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo ay ka furmayaan wada-hadallo ay la yeelanayaan wakiillo ka socda Mareykanka. Kulamadan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo khuseeya xiriirka labada dal iyo xaaladaha amniga ee gobolka.
Madaxweynaha Iran ayaa ku dhawaaqay inay saxiixeen heshiis ah in Iran aysan yeelan doonin hub nukliyeer ah waxuuna yiri “Waxaan saxiixnay ballan-qaad ah inaanan yeelan doonin hub nukliyeer ah, codsigii Maraykanka awgiis”
