Itoobiya Oo Dalalka Caalamka ku Wargelisey iney Talaabo Milatari ka Qaadayso Suudan iyo Eritrea Oo Heshiis la Galay…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada milatariga Itoobiya waxay u sheegeen diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee ku sugan magalada Addis Ababa in Itoobiya ay qaadi doonto talaabo milatari oo adag oo ka dhana waxay ay ugu yeedheen isbahaysiga “Tsimdo oo ay ula jeedaan mucaaridka Itoobiya Suudaaniyiin iyo Eritrean.”

Major General, Teshome Gamechu wuxuu ka digay dadaal kasta oo lagu hirgalinayo isbahaysigaas inuu wajihi doono ciqaabo adag oo timaada Milatariga Itoobiya, wuxuuna intaasi raaciyay in Tsimdo uu yahay hindise la doonayo in lagu mija xaabiyo madax banaanida Itoobiya.

Waxayna ciidamada Itoobiya warbixin siiyeen safiirada beesha caalamka si ay dalalkooda ugu gudbiyaan in mawqifka Itoobiya yahay iney qaadayso talaabo hadii laysku dayo in isbahaysiga la hirgaliyo.

Hanjabaada Itoobiya ayaa timid maalmo kadib markii muuqaal laga sii daayay Hidmona Tv oo ah kanaal YouTube ah oo xidhiidh la leh dowlada Eritrea uu muujiyay Siyaasiyiin mucaarad Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan Suudaaniyiin iyo Eritrean oo ka qaybgalaya kulan ka dhacay magalada Port Sudan. Muuqaalkaasi wuxuu sarey u qaaday shakiga iyo walaaca saraakiisha Itoobiya, kuwaaso u arka in halkaas lagu yagleelayo qorshe isbahaysi oo cadow ku ah Itoobiya, kaasoo ay ugu yeedheen “Tsimdo.”

Port Sudan oo hada xarun kumeel gaadha u ah hogaanka milatariga Suudaan, ayaa u muuqata mid isku badalaysa iney noqoto xarun siyaasadeed iyo milatari oo ay isku urursadaan mucaaradka kasoo horjeeda Dowlada dhexe ee Itoobiya.

Arrimahan ayaa imanaya xili uu aad u xumaaday xidhiidhka Suudaan iyo Itoobiya, isla markaana milatariga Suudaan ay ku eedeeyeen Itoobiya iney si toosa ula safatey maleeshiyaadka la dagaalamaya ee RSF.

FG: Qorshahani wuxuu u muuqdaa mid ay dhabarka ka joogto Masar, isla markaana Suudaan iyo Eritrea ay isku duba ridayaan sidii ay u dhisi lahaayeen jabhado hubeysan oo la dagaalama dowlada dhexe ee Itoobiya