Trump ayaa u muuqda inuu ku cadaadinayo Sacuudiga iyo Qatar haddii ay doonayaan dagaalka Iiraan inuu joojiyo inay iyaguna ku biiraan heshiisyada Abraham ee Israa’iil u oggolaanaya inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan.
Qoraalka dheer oo waxyar ka hor uu baahiyay wuxuu Trump ku sheegay:
“Wada-hadallada aan la leenahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si wanaagsan ayay u socdaan. Ama waxaa la gaari doonaa heshiis weyn oo dhammaan dhinacyada faa’iido u leh, ama wax heshiis ah ma jiri doono ,waxaana dib loogu laaban doonaa dagaal iyo rasaas ka sii weyn oo ka xoog badan sidii hore. Qofna ma doonayo taas.
Wuxuu sidoo kale yiri ;
“Intii aan wadahadalladii dhacay Sabtidii kula jiray; Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga,Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed,Amiirka Qatar Tamim bin Hamad, Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman,Wasiir Ali Al-Thawadi, taliyaha ciidanka Pakistan, Jen. Asim Munir,Madaxweynaha Turkiga , Erdogan, Madaxweynaha Masar Al-Sisi,
Boqorka Jordan , Abdullah II, iyo Boqorka Baxrayn Hamad bin Isa Al Khalifa,waxaan u sheegay in dadaalka weyn ee Mareykanku geliyay arrintan kadib, ay tahay in dhammaan dalalkan ugu yaraan ay si wadajir ah ugu biiraan Heshiisyada Abraham.
Waxaa laga yaabaa in hal ama laba dal ay leeyihiin sabab ay uga harayaan, taas waa la aqbali karaa. Laakiin inta badan waa inay diyaar u noqdaan inay heshiiskan Iiraan ka dhigaan dhacdo taariikhi ah.
Heshiisyada Abraham waxay faa’iido dhaqaale, mid bulsho iyo mid ganacsi u keeneen dalalkii ku biiray sida:Imaaraadka,Bahrain,Morocco,Sudan iyo Kazakhstan.
Xitaa xilligan dagaallada iyo colaadaha jira, ma jiro dal kamid ah kuwaas oo ka fikiray inuu ka baxo heshiisyadaas.Sababta ayaa ah in Heshiisyada Abraham ay faa’iido weyn u noqdeen dalalkaas, waxayna keeni karaan awood, xoog iyo nabad dhab ah oo Bariga Dhexe ah markii ugu horreysay muddo kumanaan sano ah.”
Intaa wuxuu ku daray; “Waxaan aaminsanahay in Sacuudiga iyo Qatar ay si degdeg ah u saxiixaan marka hore, kadibna dalalka kale ay raacaan. Haddii ay diidaan, waa inaysan qeyb ka noqon heshiiskan, sababtoo ah taasi waxay muujinaysaa niyad xumo.
Hoggaamiyeyaal badan oo aan la hadlay waxay ii sheegeen inay sharaf u arki doonaan in Iiraan ay qeyb ka noqoto Heshiisyada Abraham marka heshiiska la saxiixo. Taasi runtii waxay noqon lahayd arrin gaar ah.
Heshiiskan wuxuu noqon doonaa heshiiska ugu muhiimsan ee ay dalalkan weligood saxiixaan.
Sidaas darteed, waxaan si rasmi ah uga codsanayaa dhammaan dalalka inay si degdeg ah ugu biiraan Heshiisyada Abraham.”
Ugu dambeyntii, wuxu yiri ; “Haddii Iiraan ay ila saxiixato heshiis anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, sharaf ayay noqon doontaa inay iyaguna qeyb ka noqdaan isbahaysigan caalamiga ah.Bariga Dhexe wuxuu markaas noqon doonaa gobol mideysan, awood leh, dhaqaale xooggan leh, lagana yaabo inuusan jirin meel kale oo dunida ka mid ah oo la mid ah.Waxaan sidoo kale ka codsaday wakiilladayda inay si degdeg ah u bilaabaan dhammeystirka ku biirinta dalalkan Heshiisyada Abraham.”
