Hay’adda Tirakoobka Sacuudiga ayaa warbixin ay maanta baahisay waxaa lagu sheegay in Sacuudiga uu shantii sanno ee la soo dhaafay soo dhoofsaday xoolo nool oo qiimahoodu uu gaarayo $5.3 bilyan oo dollar.
Warbixintan waxaa kaloo lagu soo bandhigay dalalka ugu badan ee xoolaha u dhoofiya Sacuudiga iyo muddadaa qiimaha xoolaha ay dhoofiyeen;
1. Suudaan , waxay Sacuudiga u dhoofisay xoolo nool oo isku darka shantii sanno ee u dambeysay uu qiimahoodu gaarayo $2.53 bilyan
2. Soomaaliya ayaa sidoo kale xoolo qiimahoodu gaarayo $910 milyan u dhoofisay Sacuudiga.
3. Jordan ku dhowaad $480 milyan
4. Romania ku dhowaad $290 milyan
5. Jabuuti ku dhowaad $270 milyan
