Iran ayaa sheegtay in xoogaa horumar ah laga gaaray wada-hadallada lala yeelanayo Mareykanka, balse heshiis “ma dhowa”.
Hadalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmail Baqai ayaa yimid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu sheegay in ay suurta gal tahay in heshiis la gaaro Isniinta.
“Waa sax in la yiraahdo waxaan gaarnay gunaanad ku saabsan qayb weyn oo ka mid ah arrimaha laga dooday,” Baqai ayaa ka sheegay Tehran Isniintii. “Laakin in la yiraahdo tani waxay la macno tahay in saxiixii heshiisku uu soo dhow yahay – cidina ma sheegan karto.”
Heshiiska is-afgaradka ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay 60 maalmood oo xabbad joojin ah oo la kordhiyo, dib u furista marin biyoodka Hormuz iyo qorshe wada xaajoodyo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Dhamaadkii usbuuca, madaxweyne Donald Trump wuxuu soo jeediyay in dhinacyadu ay xirayaan heshiiska, in kasta oo uu markii dambe sheegay inuu ku amray kooxda gorgortanka “in aysan ku degdegin”.
Isniintii, Rubio ayaa weriyeyaasha ugu sheegay caasimadda Hindiya ee Delhi: “Waxaan u maleynay inaan xog baahino caawa, laga yaabee maanta.”
Isaga oo taxadaraya ayuu yiri “wax badan kama sheegi doono”, Isaga oo raaciyay: “xoogaa yar ayay qaadanaysaa in Iran soo jawaab celiso.”
CBS News, ayaa ku warantay in sirdoonka Mareykanka uu rumeysan yahay in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Mojtaba Khamenei – oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ku qaadday maalintii ugu horreysay dagaalka ay ku dhinteen aabihiis iyo kuwii ka horreeyay – uu ku sugan yahay meel aan la shaacin, taasoo ka dhigtay xiriirka uu la leeyahay ergooyinkiisa mid adag, sidaas darteedna dib u dhigaya xawaaraha wadahadalka Mareykanka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, heshiiska la isku afgartay ma ahan heshiis kama dambeys ah – taa beddelkeeda waxa uu dhigayaa in qaar ka mid ah qodobbada ugu adag ee dambe laga wada xaajoodo, oo ay ku jiraan baaxadda iyo waqtiga laga khafiifinayo cunaqabateynta Iran, sii deynta lacagaha Iran ee la xayiray, iyo dalabaadka Washington ee Iran si ay u xakameyso hamigeeda Nukliyeerka.
“Marka waxaan haynaa, waxa aan u maleynayo inay tahay wax aad u adag oo miiska saaran marka loo eego awoodda ay u leeyihiin inay furaan marin-biyoodka,” ayuu yiri isaga oo tixraacaya marin-biyoodka Hormuz – marin-biyoodka muhiimka ah oo 20% saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka ay maraan oo Iran ay xannibtay.
Qiimaha saliidda ayaa aad hoos u dhacay, suuqyada saamiyada ee Aasiya ayaa sare u kacay Isniintii iyagoo rajeynaya heshiis.
Heshiiska la sheegay in uu kala qeybiyay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyadoo qaar ka mid ah ay si cad ugu doodeen inuu yahay mid aad uga dabacsan Iran.
Senator Ted Cruz ayaa sheegay inay noqon doonto “khalad masiibo ah”, halka Roger Wicker, oo madax u ah guddiga adeegga hubka ee Senate-ka, uu sheegay in xabbad-joojin 60-maalmood ah ay la macno tahay “wax kasta oo lagu guuleysto Hawlgalkii Epic Fury wuxuu noqon doonaan wax aan waxba tarin!”
