Madaxweynaha Mexico Oo Ogolaaday Marti-galinta Xulka Iran Markii Maraykanku Diiday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa sheegtay in ay ogolaatay in xulka qaranka Iran lagu martigeliyo Mexico inta ay socdaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2026.

“Maraykanka ma doonayn in xulka Iran ay joogaan dhulkooda,” ayey shir jaraa’id ka sheegtay Ms. Sheinbaum

Xiriirka Kubadda Cagta Iran ayaa shalay sheegay kaddib markii ogolaasho laga helay FIFA in xarunta xulka qaranka degi doono la geeyay magaalada xadka Mexico ku taal ee Tijuana.

Iran waxay ka dalbatay FIFA in xaruntooda loo wareejiyo Mexico halkii ay Mareykanka ka ahana laheyd balse FIFA ayaa markii hore u sheegtay in ay taasi suuragal aheyn.

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Iran, Mehdi Taj, ayaa shalay sheegay in markii xarunta xulka laga wareejiyey gobolka Arizona ee Maraykanka, loona raray Tijuana Mexico, “aanan hadda jirin wax dhibaato fiiso ah, isla markaana xulku uu Mexico ugu safri karo duullimaad ay leedahay Iran Air.”

Tijuana waa magaalo dad badan oo ku taal xadka San Diego.

Mr. Taj wuxuu sheegay in masaafada duullimaadka u dhexeeya Tijuana iyo Los Angeles halkaas oo labada kulan ee ugu horreeya ee xulka lagu ciyaari doono ay tahay 55 daqiiqo, taas oo ka dhow xeradii hore ee Arizona.