Mike Evans oo ah wadaad diimeed masiixi ah oo aad ugu dhow saaxiibna la ah Trump ayaa wargeyska Jerusalem Post u sheegay inuu la kulmay dhaxal sugaha awooda badan ee Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed binu Salman.
Mike Evans wuxuu sheegay in Dhaxal Sugaha Sucuudiga si gaara ugu sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado ISRL, balse Aabihii Boqor Salman uu yahay caqabada ugu weyn ee weli hortaagan xidhiidhka Sucuudiga iyo ISRL.
“Markii aan la hadlay Dhaxal Sugaha, wuxuu ii sheegay inuu isla maanta aqoonsan lahaa ISRL laakin ay dhibaatadu tahay Aabihii.” ayuu Evans u sheegay Jerusalem Post
