Tababarka Milatariga Oo Telaviv ka Dhacay Iyo Heshiisyada aan la Shaacin Ee Israel iyo Somaliland Dhex-maray.!!

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbixinno la helayo ayaa muujinaya iskaashi amni oo sii kordhaya oo u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland oo ka socda gobolka Geeska Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha caalamiga ah ee marinnada Badda ee istaraatiijiga ah. Warbixinno ay laga helayo warbaahinta caalamka , sida kuwa Ingiriiska oo ay ugu horeyso The Daily Telegraph, ayaa muujinaya iskaashi amni oo sii kordhaya oo u dhexeeya dowladdaha Israa’iil iyo Somaliland, taasoo qeyb ka ah horumarro gobolleed oo ballaadhan oo ka socda Geeska Afrika.

Sida laga soo xigano warbixintanadaas ilaa 50 xubnood oo ka tirsan ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Somaliland ayaa ku jira marxalado nidaamsan oo tababar milatari ah oo ka socda Tel Aviv. Tani waa qeyb ka mid ah barnaamij iskaashi oo loogu talo-galey in lagu xoojiyo awoodaha dagaalka iyo xeeladaha ciidamada Somaliland.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in xaflad rasmi ah lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo wefdi Israa’iil ah lagu wareejiyay astaan la sheegay inay qeyb ka tahay nidaamka “Iron Dome”, tallaabo lagu tilmaamay mid calaamad u ah horumarinta xidhiidhka labada dhinac.

Warbixinnadu waxay sidoo kale tilmaameen in Somaliland, ay sannadihii u dambeeyay noqotay waddan soo jiidasho istaraatiiji leh oo loogu talo-galey quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Tan waxa sabab u ah goobta ay ku taal oo ka soo horjeeda marin biyoodka Bab al-Mandeb, oo ka mid ah marinnada Badda ee ugu muhiimsan adduunka ee u dhow Geeska Afrika, oo ku taal dhammaadka koonfureed ee Badda Cas.

Horumarkan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu ka dhex muuqdo tartanka sii kordhaya ee u dhexeeya quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ku aaddan saameynta istaraatiijiyadeed, gaar ahaan iyadoo xiisadaha amniga ee sii kordhaya ay ka jiraan marinnada muhiimka ah ee Badda, sida lagu arkay Gacanka Hormuz.