Maanta masaajidka Madaxtooyada waxaa ka dhacay arrin yididiilo leh, intii Salaada lagu jiray ayaa safka danbe ee masaajidka waxaa mar qura soo galay Madaxwayne Xassan Shiikh iyo Mahad Salaad oo maalmahan uu dhex yaalay khilaaf adag oo la xiriiray doorashada Galmudug.
Markii Salaadii laga baxay Madaxwayne Xassan Shiikh waxaa uu muujiyay arrin u muuqatay in dadkii masaajidka ku tukanayay ay u arkaan in arrimaha Galmudug laga heshiiyay.
Waxaa uu gacanta ka soo qabtay Mahad Salaad, waxaana uu isaga oo qoslaya, farxadna ay ka muuqato u dhaqaaqay dhanka safka hore oo uu RW Xamse ku tukanayay kadib salaan farxadeed oo ay halkaas ku wada qaateen waxaa ay sheegeen in shuushkii baxay.
Mahad Salaad qudhiisu waa uu dhoola cadaynayay kadibna waxaa ay sadexdooda isla raaceen hal baabuur oo ah kan madaxwaynaha.
Waa markii ugu horaysay muddo sadex maalmood ah oo ay gacanta isi saaraan ama kulan wada qaataan sadexda mas’uul, arrintana waxaa ay imaanaysaa kadib heshiis uu garwadeen ka ahaa RW Xamse oo xalay dhacay, taas oo Madaxweyne Xassan Shiikh ka garaabay wixii khilaafka dhexdooda ah keenay.
Xuuraansi aan ka dhex sameeyay goobta dhoolatusku ka dhacay, waxaa la ii sheegay in muhiimadu aanay ahayn cidda madaxwayne ka noqonaysa Galmudug ee ay tahay nidaamka loo marayo iyo sida Galmudug lagu midaysan yahay looga samayn karo gayigaas.
Shirka maanta ka dhacaya xarunta madaxtooyada ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan hab raac loo mari karo doorashada Galmudug.
Madaxwayne Xassan Shiikh iyo Agaasime Mahad Salaad oo xalay kulan yeeshay ayaa sidii hore isaga soo dhawaanaya, taasoo muujinaysa in dadaaladii uu waday RW Xamse Cabdi Barre ay guulaysanayaan.
Inkasta oo aanay jirin wax tanasul ah oo labada dhinac ay muujiyeen, haddana arrimaha la isaga soo dhawaaday ayaa ah in kacsanaanta siyaasadeed la dajiyo, xalna laga gaaro wixii khilaafka keenay.
Mahada Salaad oo aad uga carooday dhaqanka Madaxwaynaha ee la xiriira dhanka Galmudug, ayaa lagu soo waramayaa in Madaxwaynuhu ka garaabay, taas oo qaboojisay dareenkii kacsanaa ee dhanka Mahad Salaad.
