Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa qaaday tallaabo buuq badan ka dhalisay gudaha Yurub, taasoo dib usoo celisay xasuuqi Naziyiinta, halka lagu sheegay go’aan uu qaatay mid ka marqaati kacaysa eedeymo muddo dheer Putin uu u jeedin jiray Zelenskyy oo ku tilmaami jiray isaga iyo nidaamkiisa inay maalin duniddu arki doonto iyagoo u dhaqmaya sida Naziyiinta.
Arrintan waxay la xiriirtaa ka dib markii Zelenskyy, uu cutub militari oo Ukraine ah u bixiyay magaca Ciidanka Kacdoonka Ukraine (UPA).
UPA waa urur taariikh ahaan bog madow ku ah Yurub, waxaana isla markiiba magacan ka soo horjeesatay dawladda Poland oo ku eedeynaysa in kooxda UPA ay mas’uul ka ahaayeen xasuuqii tobannaan kun oo rayid Polish ah intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, gaar ahaan gobolka Volhynia. Sidoo kale waxaa jira eedeymo la xiriira wada-shaqeyn ay la yeesheen ciidamadii Nazi-ga Jarmalka xilligaas.
Go’aankan ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa Ukraine iyo Poland, inkastoo Poland ay ka mid tahay dalalka taageerrada badan ku siiya Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka.
Madaxweynaha Poland ayaa sheegay in Ukraine aysan weli maskax ahaan iyo siyaasad ahaan si buuxda ugu diyaar ahayn ku biirista Midowga Yurub. Waxaa sidoo kale la sheegay in la bilaabi doono tallaabooyin lagu laalayo abaalmarin sare oo hore loo siiyay Zelenskyy.
Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk ayaa sheegay in arrintan ay dhaawacayso dareenka taariikhiga ah ee shacabka Poland, balse wuxuu ku baaqay labada dhinac inay is xakameeyaan si aan khilaafku u sii weynaan.
Madaxweynihii hore ee Poland, Lech Walesa ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay go’aankaas, isagoo sheegay inuu joojiyay taageerro kasta oo uu siinayay Ukraine.
Saraakiil Polish ah ayaa sheegay in tallaabadan ay Ruushka siisay fursad uu ku xoojiyo ololihiisa warbaahineed ee ka dhanka ah Ukraine. Hase yeeshee, in tallaabadan ay si buuxda u caddeyneyso eedeymaha Ruushka waa aragti siyaasadeed oo muran badan ka taagan yahay, maadaama Ukraine iyo dalal badan oo reer galbeed ah ay si adag u diidaan eedeymahaas.
Ugu dambeyntii, waxa la isku raacsan yahay ayaa ah in magacaabistan guutadan ciidan ay abuurtay khilaaf cusub oo u dhexeeya laba dal oo muddo dheer iskaashi dhow lahaa.

Screenshot
