Qaramada Midoobay Oo Israa’iil iyo Ruushka ku Dartay Liiska Dalalka Geystay Denbiyada Dagaalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qaramada Midoobay ayaa Israa’iil iyo Ruushka ku dartay liiska dalalka lagu eedeeyay inay geystaan xadgudubyo galmo oo la xiriira dagaallada.

Warbixin sannadle ah oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, sanadkii 2025, ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamada Israa’iil, booliis ama ciidamada asluubta ee xabsiyada ay geysteen noocyo kala duwan oo xadgudubyo ah oo ka dhan ah 31 qof oo ka kala yimid Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto iyo deegaanka Webiga Urdun, kuwaas oo ay ku jireen carruur.

Warbixinta ayaa sheegtay in mararka qaar dhowr askari ay isku urursan jireen oo ay si wadajir ah kufsi ugu geysan jireen dad rayid ah, sidoo kale waxaa la sheegay in hal nin si ula kac ah xabbad looga dhuftay laabta.

Israa’iil, oo lagu daray liiska iyadoo ay weheliso Hamas, ayaa muujisay caro ku aaddan tallaabadan waxayna beenisay eedeymahaas.

Horaantii, safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu joojin doono dhammaan xiriirka uu la leeyahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Dhanka Ruushka, warbixintu waxay sheegtay in ciidamadiisu ay geysteen boqolaal xadgudub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha gudaha Ukraine, kuwaas oo ay ku jiraan kufsi iyo isticmaalka koronto lagu jirdilo dadka.