Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Oo Booqday Markabka weyn ee Dagaalka ee USS Boxer Ciidaada-na kala Hadlay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa booqasho uu ku tagay markabka weyn ee dagaalka ee USS Boxer wuxuu kula hadlay ciidamada badda ee Mareykanka isagoo la wadaagay hadal digniin xambaarsan oo Trump uu u diray Iiraan.

​Nuxurka Hadalka Pete Hegseth oo ciidanka la hadlaya ayaa yiri ​”Madaxweyne Trump wuxux yiri: ‘Iiraan waxay dooran kartaa in ay wax ku xalliso dariiqa saxda ah ayadoo heshiis miiska gudaheeda ah nalaga gasho ama waxay dooran karaan in ay la macaamilaan saaxiibkayga jooga dhanka bidix’.”

“Ninkaas la sheegayay wuxuu noqday aniga.” ​”Laakiin dhab ahaantii aniga ma ihi.” ​”Waa idinka (ciidamada rasmiga ah).”
​​
Ujeeddada Farriinta: Hegseth wuxuu hadalkan u adeegsaday si uu u muujiyo in awoodda rasmiga ah ee Mareykanka uu ku cadaadinayo Iiraan ay tahay diyaargarowga iyo cududda milateri ee ciidamada badda ee jooga aagga, gaar ahaan kuwa saaran maraakiibta dagaalka ee ku dhow Marinka Hormuz.

Fariintan adag ayaa imaaneysa xilli ay si habsami leh u socdaan wada-hadallada Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, waxayna Washington isticmaalaysaa xeeladda ah “Haddii aad diiddaan nabadda, waxaan diyaar u nahay dagaal” si ay Iiraan uga hesho tanaasul weyn oo ku saabsan amniga marinnada badda.